Home » WARARKA MAANTA » Xildhibaanada Maamulka Hirshabelle oo Maanta lagu bilaabay Baaritaan ka dib Markii ?

Xildhibaanada Maamulka Hirshabelle oo Maanta lagu bilaabay Baaritaan ka dib Markii ?

Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamo badan Saakay la dhigay Hoolka ay ka dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle,waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaanka Xarunta.

Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay Guud ahaan Ammaanka xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabelle,iyadoo Maanta Xarunta ay Qudbado ka jeedin doonaan Illaa 5 Musharax oo ka mida Musharaxiinta u ordaya Xilka Madaxweynaha Hirshabelle.

Xildhibaanada Hirshabelle iyo Sidoo kale Musharaxiinta Xilka Madaxweyne ee Maanta Qudbadda Jeedin doona ayaa lagu Wargeliyay dhamaan in Maanta Baaritaan lagu sameyn doono marka ay galayaan Hoolka si Ammaanka si loo Xaqiijiyo .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ...

4 sano kadib Ururka Al Shabaab oo shaaciyay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate?

21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday ...