Home » MUUQAALLADA » Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Soo Qaban Qaabiyay Banaanbax Fashilmay Oo Lagu Taageerayo Dhiibitaankii Halyeey Qalbi Dhagax

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Soo Qaban Qaabiyay Banaanbax Fashilmay Oo Lagu Taageerayo Dhiibitaankii Halyeey Qalbi Dhagax

Dawladda Soomaaliya ayaa bilaawday qorshayaal cusub oo ku aaddan dhanka arrintii Qalbi Dhagax, waxaana ay lacago soo siisay hooyooyin iyo dhallinyaro ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa lagu taageerayaa Go’aanka Xukumadda ee ku saabsanaa In uu Qalbi Dhagax yahay argiggixiso iyo u dhiibistii loo dhiibay Itoobiya xasarraddii ka dhalatay.

Qaban Qaabada Banaan Baxaan waa ka duwan yahay banaanbaxyadii waaweynaa ee ka dhici jiray Magaalada Muqdisho waayo abaabulkiisa waxaa iska leh shaqsiyaad ku dhow dhow xafiiska Raysulwasaaraha, halka banaan baxyadii horo laga abaabuli jiray Xarunta Gobalka Banaadir.

ka qayb galayaasha banaan baxa ayaa u muuqda kuwa aan ku faraxsaneyn, maadaama ay arrinta lagu qasbayo in ay taageeraan ay tahay mid masiirri ah oo ummadda Soomaaliyeed oo idil ay ka dhiidhisay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ...

4 sano kadib Ururka Al Shabaab oo shaaciyay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate?

21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday ...