Home » QORMOOYINKA » Wax Ka Ogow Xaaladda Dhabta Ah Dadkii Ku Waxyeeloobay Qaraxii Dhawaan Ka Dhacay Muqdisho

Wax Ka Ogow Xaaladda Dhabta Ah Dadkii Ku Waxyeeloobay Qaraxii Dhawaan Ka Dhacay Muqdisho

Lix ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan kuna waxyeeloobay qarax shalay ka dhacay Muqdisho ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho .

Dhaqaatiirta yaa ku waramaya in xaaladdooda caafimaad ay soo wanaagsanaaneyso, tirada Isbitaalka la geeyay waxaa dib loo celiyey hal qof shanta kale aya hadda lagu dabiibayaa Isbitaalka .

Dr Cismaan Cabdulle oo ku howlan qalliinka dadka qaraxa uu waxyeellada u geystay ayaa sheegay in adeegyo caafimaad oo wanaagsan ay u sameeyeen dadkaan hadana ay xaaladdooda ka soo reyneyso.

“Shalay waxaa noo yimid dad gaaraya lix qof hal qof ayaa laabtay shan qofna Isbitaalka ayaan jiifinay kuwaas oo aan u qabanay adeeg caafimaad oo kala duwan aad ayuuna u fiicanyahay caafimaadkooda”.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qarax Isniintii ka dhacay isgoyska Dabka ee wadada Maka Al-mukarama, waxaa halkaasi dhashay qaraxyo badan.

Dhanka kale Isbitaalka waxaa ku jira dhibane Yuusuf Macalin Aadan oo askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya  xabad kaga dhuftay qeybta sare ee gacanta xilligaas oo uu ahaa bajaajle mana jirto sida uu Goobjoog News u sheegay cid qaabishay oo askariga dhankiisa ka socota.

“Shantii Ogoosto ayey xabadaan igu dhacday anoo maraya isgoyska banaadir waxaan ahaa mooto bajaajle gaariga waxaa uu ka yimid dhanka Digfeer anigana waxaan ka imid dhanka banaadir “.

Xigasho GOOBJOOG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ...

4 sano kadib Ururka Al Shabaab oo shaaciyay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate?

21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday ...