Home » QORMOOYINKA » Wariye Caan Ah Oo U Dhintay Dhaawac Kasoo Gaaray Qarixii Magaalada Balad-wayne

Wariye Caan Ah Oo U Dhintay Dhaawac Kasoo Gaaray Qarixii Magaalada Balad-wayne

Allaha u naxariistee saaka aroortii waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Suxufi C/laahi Cismaan oo ku dhaawacmay qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Axadii todobaadkaan Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wariyaha oo dhaawac culus uu ka soo gaaray qaraxaasi, ayaa waxaa la sheegay in lagu daaweynaayay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho oo la keenay, balse dhaqaatiirta ay ka dayriyeen xaaladiisa caafimaad.

Suxufigan oo qayb ka mid ah maskaxdiisa ay madoobatay, ayaa dhaqaatiirta waxa ay ku sheegeen bir inay ku dhex jirtay, ayna adkeyd in qaliin lagu sameeyo.

Dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer, ayaa saaka xaqiijiyay in C/laahi Cismaan uu u geeriyooday dhaawacii halista ahaa ee ka soo gaaray qaraxaasi.

Wariyaha ayaa ka shaqeynaayay Tv-ga Jubbaland oo xaruntiisa ay tahay Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland, wuxuuna wakiil uga ahaa Gobolka Hiiraan.

Suxufiyiinta Gobolka Hiiraan iyo kuwa ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Suxufigaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ...

4 sano kadib Ururka Al Shabaab oo shaaciyay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate?

21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday ...