Home » QORMOOYINKA » UPDATE:- Doodda Golaha Shacabka Oo Si Xasaasi Ah U Socota Iyo Xildhibaanno Caan Ah Oo Dawladda Weerar Ku Qaaday

UPDATE:- Doodda Golaha Shacabka Oo Si Xasaasi Ah U Socota Iyo Xildhibaanno Caan Ah Oo Dawladda Weerar Ku Qaaday

Waxaa socda doodda xildhibaannada qaranka, ee kusaabsaneyd arrinta qalbi dhagax, waxaana hadlay xildhibaanno badan oo ay kamid yihiin Axmed mAcallin Fiqi oo ah oo aad u dhaleeceeyay dawladda kuna tilmaamay in ay ahayd wax khalad ah oo sharciga ka dhan ah.

Illaa iyo 30 Xildhibaan ayaa hadlay oo ay ku jiraan C/rashiid Xidig, Ahmed Fiqi, iyo kuwo kale waxayna badankood ku tilmaameen dhiibistii Qalbidhagax mid Qaanuunka ka soo horjeeda.

Waxaase jira 5 Xildhibaan oo ayiday in la dhiibo Qalbidhagax, kuwaasoo kala ah Khadiijo Maxamad Diiriye, Afaraale, Cali Xoosh, C/laahi Goodax, iyo Warsame Joodax.
Walina way socotaa Doodu.

Dooddu waa mid kulul oo marba mid loo dhiibayo xildhibaannada, hasa yeeshee saxaafadda ayaa ilaa xad dibad joog ka ah.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socod siin doona haddii uu rabbi idmo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ...

4 sano kadib Ururka Al Shabaab oo shaaciyay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate?

21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday ...