Home » WARARKA MAANTA » Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne Iyo Faah Faahin Laga helaayo?

Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne Iyo Faah Faahin Laga helaayo?

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka Soomaaliya iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Far-libaax oo ku yaala duleedka Magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobalka Hiraan sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo Saraakiisha gobalka.

Taliska Military-ga Soomaaliya ee gobalka ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii ay Ciidanka Soomaaliya ay weerar ku qaadan Fariisin Shabaabka doonayeen in ay ka samaeestaan deegaankaasi kadibna uu halkaasi dagaal ka dhacay.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac sida ay noo sheegeen goob joogayaal Far-Libaax ku sugan.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degaanka Far Libaax Cawaale Isaaq Jirre ayaa u sheegay Warbaahinta in dagaalka uu ka dhacay Meel qiyaasta 25-km u jirta magaalada Beledweyne.a

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ...

4 sano kadib Ururka Al Shabaab oo shaaciyay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate?

21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday ...