Home » WARARKA MAANTA » Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Markii ugu horeysay la geeyay dhuusamareeb Iyo Xog Buuxda oo laga Helay?

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Markii ugu horeysay la geeyay dhuusamareeb Iyo Xog Buuxda oo laga Helay?

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Xaruta Gobalka Galgaduud  ee Soomaaliya ayaa soo sheegayo in markii ugu horeysay Ciidamo ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM lagu arkayo Bartamaha magaalada waxaana halkaasi ka baxaya Ciidamo ka tirsan Ethiopia oo aan ka diiwaan gashaneen Howlgalka AMISOM.

Qaar ka mid ah Shacabka ku nool Magaalada dhuusamareeb ayaa Warbaahinta u sheegay in ay Magaalada ka baxeen Ciidanka Ethiopia ee mudada dheer ku sugnaa gobalka gaar ahaan Magaaalada Dhuusamareeb islamarkaana ay soo gaareen Ciidan kale AMISOM ah.

Saraakiisha Amaanka maamulka Ahlusunna ayaa sidoo kale Warbaahinta  u xaqiijiyay in Ciidankii Ethiopia ee ka amar qaadanayay Maamulka Ahlusunna magaalada laga saaray laguna badalay Ciidan kale oo ka socda Dalka Ethiopia lkn ka amar qaata Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamadii Ethiopia ee ka baxay dhuusamareeb ayaa mudo dheer halkaasi ku sugnaa,  waxaana ay ahaayeen Ciidan ka amar qaata Maamulka Ahlsunna ee Gobalada dhexe.

Xubno ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Ahlsunna oo magacyadooda ka gaabsaday ayaa sheegaya in arintaan ay salka ku heyso wadahalo dhaxmara Maamulada looga kala Arimiyo Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Galmudug iyo Ahlsunna.

Galmudug ayaa adeegsaneyso Xeelado Siyaasadeed oo ay ku raadineyso mideynta labada Maamul inkastoo aysan aheyn Wax-fudud iyo Waqti dhaw in Maamulka dadkiisa ku kaceyn ee Ahlsunna laga dhaa-dhiciyo ku biiritaanka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ...

4 sano kadib Ururka Al Shabaab oo shaaciyay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate?

21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday ...