Home » QORMOOYINKA » Buug La Qoray 26-Qarni Kahor Oo Markii Ugu Horreysay Af Soomaali Loo Tarjumay

Buug La Qoray 26-Qarni Kahor Oo Markii Ugu Horreysay Af Soomaali Loo Tarjumay

Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa lagu soo bandhigay Buug loogu magac-daray Xeeladaha Dagaalka oo af Somali loo turjumay, buugan oo Af Shiinees ku qornaa ayaa la qoray 26-qarni kahor.

Buuga the Art of War ama buuga Xeeladaha dagaalka waxaa qoray 26 Qarni kahor Khabiir Milatari oo u dhashay Shiinaha laguna magacaabi jiray Sun Tzu, waxaana buugan uu yahay mid wali laga xiiseeyo daafaha Dunida.

Waxaa markii ugu horeesay buugan Af Somali u turjumay Qoraa Aadan Xasan Aadan oo sidoo kale hada ah Danjiraha dowlada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, waxaana buugan Qoraaga ugu tala galay in bulshada Soomaaliyeed ka faa’iideesaan.

Buugaan Xeeladaha dagaalka uu qoray Sargaalka Shiineska ayaa lagu turjumay luqado badan oo Caalamka looga hadlo, waxa uuna buugan noqday mid wali dhaxa gal ah talooyinka milatari ee ku qoran.



 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ...

4 sano kadib Ururka Al Shabaab oo shaaciyay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate?

21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday ...