Home » WARARKA MAANTA » Alshabaab oo shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii fuliyey Ismiidaamintii Beled-xaawo

Alshabaab oo shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii fuliyey Ismiidaamintii Beled-xaawo

Warbaahinta Al-shabaab ayaa maanta shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii waday gaarigii isku qarxiyay saldhigga ciidamada dowladda ee degmada Beledxawo.

Iss-miidaaiyaha fuliyay weerarkii ay Alshabaab shalay muddo kooban ku qabsadeen degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa lagu magacaabaa Axmad Jaamac Nuur (Zubeyr), wuxuuna kaso jeedaa o u dhashay Qabiilka Reer Shabeelle.

Ninkan oo wareysi siiyay Warbaahinta Alshabaab ee Andalus ayaa sheegay inuu Alle ugu dhowaanayo camaliyada is-miidaaminta ah ee uu isu diyaariyay, waxaana uu ka hadlay ciidamada kusoo duulay Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jiraan Gaaladda.

Alshabaab ayaa sheegatay in weerarkii Beledxawo ay ku dileen ilaa 30 askri, taasoo ay beeniyeen ciidamada dowladda iyo maamulka Jubbaland. Alshabaab ayaa shaacisa sawirradda, magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan is-miidaamiyeyaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ...

4 sano kadib Ururka Al Shabaab oo shaaciyay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate?

21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday ...