Home » WARARKA MAANTA » Al-Shabaab oo lacag ku soo daayay Gabdho Labo bilood ka hor ay ka afduubteen Hiiraan

Al-Shabaab oo lacag ku soo daayay Gabdho Labo bilood ka hor ay ka afduubteen Hiiraan

Sida ay daabacday maanta oo Talaado ah Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Al-Shabaab ayaa lacag madax furasho ah ku sii daayay Labo ka mid ah Saddex Gabdhood oo ay muddo ka hor ka afduubteen duleedka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan.

Gabdhaha la sii daayay ayaa u shaqeynayay Hay’ad lagu magacaabo Hello-Trast oo ka shaqeysa arimaha samafalka kadib markii ay ka qaataan waalidiintooda lacago dhan 13,000 kun oo Dollar qofkiiba, waxaana la haystay  muddo labo bilood sida uu sheegay in mid ka mid ah Waalidiinta Gabdhaha dhalay.

“Muddo kadib ayay Shabaab u afduubnaayeen gabdhahan oo saddex ahaa,alaxadulillah maanta ayaa la soo daayay,waxaa nalaga qaatay lacag dhan min 13,000 kun oo Dollar,waxay ka shaqeynayeen howlo samafal ah oo ay Gobolka ka wadaan,waxaana laga afduubtay Deegaanka Farlibaax”, Ayuu yiri Aabaha dhalay gabar kamid ah labadaasi Gabdhood.

Lama ogo ilaa hadda Sababta ay u reebteen Al-Shabaab gabadha kale ee lala Afduubtay Labada maanta la sii daayay, waalidiinta dhalay gabadha ku harsan Gacanta Al-Shabaab ayaa ka walaacsan Xaaladda gabadhaasi oo la sheegay in ay ku xeran tahay deegaanka Buq-Aqable ee gobalka Hiiraan.

Arintaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay Shalay gilinkii danbe Al-Shabaab 3 Shaqaale Samafal ah ka afduubteen deegaan qiyaastii 20 KM uga beegan duleedka koonfureed Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay waxayna wadarta Shaqaalaha Samafalka ah ee Al-Shabaab u afduuban noqonayaan 4 qof oo kala ah Saddex Gabdhood iyo hal wiil oo u kala shaqeeya hay’adaha kala ah Hello-Trast iyo Gareedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ...

4 sano kadib Ururka Al Shabaab oo shaaciyay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate?

21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday ...