Home » QORMOOYINKA » AKHRISO Jadwalka Khudbadaha Musharrixiinta Madaxwayne Ee Hirshabeelle

AKHRISO Jadwalka Khudbadaha Musharrixiinta Madaxwayne Ee Hirshabeelle

Musharixiinta u taagan qabashada Xilka madaxtinimo ee maamulka Hirshabeelle ayaa maanta la dhageysan doonaa khudbadahooda, maadaama dhawaan la filayo in ay dhacdo doorashada maamulkaas.

Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo ayaa noqon doona musharaxa koobaad ee  qaadan doona khudbadda, waxaana jadwalka uu bilaabanayaa xilli dambe oo maanta ah.

Hoolka shirarka ee magaalada Jowhar ayaa la isku imaan doonaa waxaana halkaas ay musharixiinta sameyn doonaa soo jiidasho iyo in ay muujiyaan waxqabadkooda marka la doorto.

SI kastaba ha ahaatee 12-kii bishan oo shalay ku beegneyd ayaa lagu madalsanaa in ay dhacdo doorashada maamulka Hirshabeelle. balse guddiga madaxa banaan ee doorashada ayaa dib u dhigay.

Shalay ayeey ahayd markii shahaaaddadooda la guddoonsiiyay 8-musharrax kuwaas oo soo buuxiyay shuruudihii doorashada.

Haddaba jadwalka wuxuu noqon doonaa mid xiriiir ah. waxaana sida aan soo sheegnay hadalka bilaabi doona musharrax Cabdi Faarax Laqanyo.

Akhriso Liiska musharrixiinta maamulka Hirshabeelle iyo qaabka Jadwalkoodu uu yahay.

  • Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo.

  • Cabdikariin Cali Nuur.

  • Daahir Cabdulle

  • Maxamed Cabdi Waare.

  • Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed).

  • Cabdinaasir Shirwac Maxamed.

  • Maxamed Caruush Diirow iyo

  • Cabdiraxmaan Xuseen Caddow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ...

4 sano kadib Ururka Al Shabaab oo shaaciyay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate?

21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday ...