SHAACIYE 14-02

Shiribkaan waxoow Jawaab u yahay Shirib isbuucii hore lagu soo daabacay Boggaan Shaaciye.com

0===Toban walxaad ee deel ku taal
          oon soo diraayo waa digniin
 
1===dariiq mugdiya heeysu deeyn
         e, dantaada fiirso waa digniin
 
2===shimbirka duulimaad badshaa
         dalaq dhe lama daan libaax
 
3===dadka nimaan da,daa eheeyn
          ha doonan waa iga digniin
 
4===dulmi difaac qabiil dartiis
         dooq xume waa iga digniin
 
5===dowladnimaan dir loo leheeyn
          haku degdegin waa digniin
 
6===duulkaan an diinta oofiheeyn
         haku dinbaabin waa digniin
 
7===saddax degmo difaacideed
         dan nooma aha waa digniin
 
8===dadka wax loogu deeqanaa
         haku   dalxiisin waa digniin
 
9===derejo aan dadaal leheeyn
         damac ku raadi waa digniin
 
10===duufaanta yeey ku dafinoo
            is deji waa iga digniin
 
11===dowladdu dibijaan salkeed
            dalkaa maka deggan yihiin
 
12===minaadan i dallaan seheeyn
            dekadda duqa soo damoo
 
13===diirkaanba usha ku dubee
            markaan dilaacsho soo damoo
 
14== dad  aan dunidu dirham siin
           deebtoow ku dhashay eey degeen
 
15===dumaali maayo dacayeey
            doqonimaanse diidanaay
 
16===waadiin dareemin maahinee
            diris wax iima soo diraan
 
17===duqiyoow heeys dabaalin,e
            manooga deray dacayeey 
 
18===dabkoow basiin ku sii deree
           damac malaha dowladeed
 
19==anoo dayaaya dulligaan
          damiirku ii male difaac
 
20===daba eriya dowladdaan
            meelkaa duleesha madedaan
 
21===dulucda aan u daadegee
            adoo deggan da,daada sheeg
 
22===diyaasburaad ku daahday,ee
            duqoowshadu inteey degaan
 
23===duur ya gawaanya dab ya deex
            doonka intaad ku deeysatiin
 
24===dam ceeyrod aadku doodayee
            degmada galcad maad degtiin
 
25===dadka dhereg la daacsadee
            dileeyso qaajo deel kukeen
 
26===durdur qof ku dabaashayoo
            dilaayo oonku deel kukeen
 
27===daar weeyn nin doolar siistayoo
            deggan xawaalo  deelku keen
 
28===dicir ninkeed ya danka qooq
            anoon is daalinaan denshaa
 
29===doolweeyn iyo dibi camaar
            nin dega dulmi yeelimaa
 
30===dadka ninkii da,deey ohoo
            idaarta looma soo duceeyn
 
31===duudkaad xagatayeey damqee
             damceeyrod uma raacdo deyn
 
32===da,dii ga yar kasii dibeey
            maadaan kugu daya karaa
 
33===durid male ninkaa da,weeyn
            dayuusna maaha deregeey
 
34===waxaanse kaaga sii digaa
            inaad dib caay u daabacdaa
 
35===doodaa ka furan dowladdee
            dersin walxaato diin miyaa
 
36===doodaa kafuran dowladdee
            dimoquraadi diin miyaa
 
37===da soddon loo ridaa dugaas
             dadka dhexdiisa diin miyaa
 
38===doodaa ka furan dowladdee
            dilaalya tuugo diin miyaa
 
39===dejinta sharci duudishaa
            dad loo aqraayo diin miyaa
 
40===dacwadda duudisha binaal
           laga dayaayo diin miyaa
 
41===doodaa kafuran dowladde
            inleeys dagaalo diin miyaa
 
42===dumar salaam ku duugiddaan
            ya dibutaati diin miyaa
 
43===haleeygu doorto doolarya
            dulliya rishwa diin miyaa
 
44===dood iyo mooshin daaw walbaa
            dicir lasheego diin miyaa
 
45===dadkeey afrika soo dirtee
            dumarka laayay diin miyaa
 
46=== dabaabaad lugusoo dusee
             leeysku daboolo diin miyaa
 
47===derejeey daafi qurunleey
            ya dowladda kenya diinmiyaa
 
48===demoquraadi duulkaroon
             hanoogu deeqo daa,inkeey
 
49===afarta daalim dadka roon
             daa im ha keeno degmadaas
 
50===diiratadaa na dubatee
            daa,im alloow naga gulqaad
 
51===daacuun ka daran soo degee
            daa,imoow daawadoodi keen
 
52===dadkii horaan ka deeyrinee
            kuwaan danbaa  ka sii dareen
 
53===duulkaan dacay ku dhiiglahaa
           daa,im alloow naga dulqaad
 
54===dugaag hilib bartaa dubtee
            alloow dadkaaga ka dulqaad
 
55== alloow dadkaaga daawa sii
          doqon hubeeysanaa dishee
 
56==alloow waxeeyku diirsadaan
          ookala dejiyuugu deeq
 
57===dinbiila yaasha daa imoow
           kudalac dulmigeey faleen
 
58===damac katiiradaa dilee
            alloow dadkaaga ka difaac
 
59=== alloow dadkaaga soo damoo
             dariiqyadaa la daadiyee
 
60===alloow ducada heeyga deeyn
            adaan dartaa u dukadee

 

 

Kala Xiriir Xafiiska Shaaciye ee  Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com,    ama webmaster@shaaciye.comtt