Joornaaliisteyaashii Lagu Diley Soomaaliya
1991 – 2008
Dhicidii
xukunkii Maxamed Siyaad Bare ee 1991 iyo dagaaladii sokeeye ee
ka danbeeyey ee ay Soomaalidu ku dad, dal iyo duunyaba beeshay
waxa marka laga tago shacabkii faraha badnaa ee lagu diley ka
sokow ay dagaaladaas iyo fowdadii dabajoogtayba galaafteen
nolosha suxufiyiin fara badan oo la diley iyagoo doonaya iney
dunida u soo bandhigaan masiibadii heysatay Soomaalida.
Fiiro Gaar ah
Maqaalkan
waxa aan sanadkii 2005 isagoo intan ka gaaban ku qoray qaar ka
mid ah bogaga Soomaalida.
Joornaaliisteyaashii lagu diley koonfurta Soomaaliya waxa ka mid
ahaa
- Mahad Aaden Xassan
(cadde)
- Xaange: Nasiib daro
weriyahan ma helin magaciisa oo sadexan
- Cabdi Sheekh Cali:
- Abuukar Maxamed Nuur:
Afartan weriye
oo ka shaqeyn jirey Radiyo Muqdisho waxa ay ka mid ahaayeen
dadkii faro ku tiriska ahaa ee aan qabiil ahaan ka soo jeedin
beelihii USC da isla markaana aan ka qixin Xamar ridistii
taliskii Siyaad Bare ka dib iyagoo dabcan quud dareynayey in
dhicidii xukunkii Maxamed Siyaad ka dib ay Soomaaliya heli
doonto nabadgalyo iyo cadaalad. Nasiib daro waxa 4tan weriye
lagu diley magaalada Muqdisho 8 April 1991. Dilka weriyeyaashan
waxa ka danbeeyey nin isaguna weriye ka ahaa Radiyo Muqdisho oo
lagu magacaabi jirey Taakeeye kaasoo aan maqlay inuu ka
careysnaa nin adeerkiis ah oo lagu magacaabi jirey Korneyl
Ibraahin Rooble Warfaa (Doonyaale) oo lagu diley Lafoole 7 April
1991 xiligaasoo uu Afgooye iyo dhulka ku xeeran si xun uga
socday dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyey beelihii kala
taageerayey jabhadihii USC iyo SNF,SSDF,SPM oo isku dhinac ah .
- Cabdulqaadir Cali
Iidle: Inkastoo aanan xasuusan taariiqdii la diley
hadana waxa Iidle oo aan deris aheyn kana mid ahaa
weriyeyaashii caanka ahaa ee Soomaaliya diley gacan ku
dhiigle Taakeeye oo ahaa isla ninkii diley weriyeyaasha kor
ku xusan sabab la xiriirta muran la xiriirey maamulka Radiyo
Muqdisho oo ay xiligaa gacanta ku hayeen maleeshiyo reer
Cadaado ah oo ay isku heyb ahaayeen gacan ku dhiiglaha.
Iidle waxa markii la dilayey uu ahaa agaasimaha Radiyo
Muqdisho.
- Jean Claude Jumel:
waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey TF 1 oo ah TV laga
leeyahay Faransiiska waxana lagu dilay Xamar June 18 1993 ka
dib markii niman hubeysan ay soo weerareen baabuurkii uu la
socday isagoo maraya wadada isku xirta garoonka diyaaradaha
iyo magaalada.
- Hansi Krauss:
Germany/AP
- Hosea Maina:
Kenya/Reuters
- Dan Eldon:
British/Reuters. Noloshii eldon fiiri The journey is the
destination, the journals of Dan Eldon
- Anthony Macharia:
Kenya/Reuters
Afartan joornaaliiste
waxa 12 july 1993 diley taageerayaashii Maxamed faarax Ceydiid
iyagoo filin ka duubaya dhisme ku yaalay agagaarka cisbitaal
Digfeer ee Muqdisho oo ay duqeeyeen diyaarado Mareykanku lahaa.
(Dilka
joornaaliisteyaashan waxa ka badbaaday Mohamed Shaaffi iyo Scott
Peterson. Shaafi waxa uu sanadkii 2001 ku geeriyooday magaalada
barakeysan ee Qudus. Dilka 4 joornaaliiste iyo labada badbaaday
fiiri buuga (Me against my brother). Meydka labada Joornaaliiste
ee Kenyanka ahaa waxa aan shaqsiyan ku arkay dhulka u dhexeeya
taribuunka iyo cisbitaalka Digfeer iyagoo dharkii lagala baxay
oo qaawan)
- Yuusuf Maxamed Cabdi
(Agooye) Waxa uu ahaa weriye ka tirsan shaqaalihii
Radiyo Muqdisho. Afgooye oo dhicidii xukunkii Maxamed Siyaad
Bare ka dib ka mid noqday dadkii sida aadka ah u taageeri
jirey siyaasadii jeneral Maxamed Faarax Ceydiid waxa uu 12 /
7 1993 ku dhintay guri ay ku shirayeen taageerayaashii
Ceydiid kaasoo ay duqeeyeen diyaarado uu Mareykanku lahaa.
- Mursal: Weriyahan
magaciisa oo sadexan ma helin waxase uu ahaa Joornaaliiste
Soomaali ah oo u shaqeynayey wakaalada AP waxana lagu diley
Muqdisho 1993 isagoo isku dayayey inuu difaaco nin ay
saaxiibo ahaayeen.
- 5 joornaaliiste oo
Soomaali ah una shaqeynayey CNN ayaa iyagana lagu diley
Xamar sanadkii 1993 iimase suurto gelin inaan helo
magacyadooda.
- Alaria Albi iyo Miran
Krovatin: Waxa ay ahaayeen joornaaliisteyaal u kala
dhashay Italia iyo Croatia una shaqeynayey Telefishinka
Talyaaniga ee RAI 3. Labadan joornaaliiste waxa 20 Maarso
1993 lagu diley agagaarka dhismihii hotel Juba ee magaalada
Muqdisho iyagoo xiligaa ku sii socday hotel Saxafi ka dib
markii ay soo weerareen niman hubeysan oo watay baabuur.
- Pierre Anceaux:
Waxa uu ahaa joornaaliiste u dhashay dalka Switserland lana
shaqeynayey hey,ad gargaar oo lagu magacaabo Caritas
Switserland. Saxafigan waxa niman hubeysani oo Soomaali ah
ay ku dileen xero qaxooti oo ku taalay magaalada Beydhabo 31
Ogoosto 1994 isagoo xiligaa wareysanayey haweeney Soomaali
ah.
- Marcello Palmisano:
Waxa uu ahaa Joornaaliiste Talyaani ah waxana lagu diley
jidka Afisiyooni ee magaalada Muqdisho 9 Feberaayo 1995 ka
dib markii uu sida la sheegay ku soo dhex dhacay dagaal u
dhexeeyey maleeshiyooyin kala taageerayey shirkado Mooska
dhoofiya oo kala ahaa Dole iyo Somalifruit.
- Maxamed Jaamac Faarax
Carab (Falaxfalax): Falax falax oo ka mid ahaa
weriyeyaashii ugu magaca weynaa radiyo Muqdisho intii aanay
bur burin dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991 waxa sanadkii
1996 ku diley degmada Doolow maleeshiyo ka tirsan koox
diimeedka Alitixaad xili uu gobolka Gedo si xun uga socday
dagaalkii u dhexeeyey Alitixaad iyo SNF.
- Axmed Kaafi Cawaale:
Waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey idaacad taageerta Xuseen
Ceydiid. Cawaale waxa 26 Janaayo 2000 ay niman hubeysani ku
dileen suuqa Bakaaraha ee Muqdisho isagoo wata shaqadiisa
weriyenimo.
- Abdullaahi Madkeer:
Waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey Raadiyo lagu magacaabo
DMC Radio oo xaruntiisu aheyd Beydhabo waxana toogasho ku
diley niman hubeysan oo ka tirsanaa jabhada RRA 24 janaayo
2003 isagoo xiligaa ka soo waramayey xaflad dib loogu furi
lahaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo.
- Kate Peyton:
Waxa ay aheyd weriye u shaqeyneysay BBC. Peyton waxa 9
Feberaayo 2005 niman hubeysani ku dileen iridka hotel Saxafi
ee magaalada Muqdisho.
- Duniya Muxudiin Nuur:
waxa ay aheyd weriye u shaqeyneysay idaacada Hornafric.
Duniyo waxa uu nin hubeysan ku dilay agagaarka degmada
Afgooye 5 June 2005 iyadoo xiligaa u socotay iney ka soo
waranto jidgooyo ay sameynayeen gaadiidleyda ka shaqeysa
wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye,
- Martin Adler: Waxa
uu ahaa weriye Swedish ah oo u shaqeynayey jariidad ka soo
baxda Sweden oo lagu magacaabo Aftonbladet. Adler waxa 25
June 2006 lagu diley fagaaraha teribuunka ee magaalada
Muqdiisho halkaasoo uu ka socday banaanbax looga soo
horjeeday Itoobiya oo ay abaabuleen maxkamidihii Islaamka ee
koonfurta Soomaaliya.
-
Mohammed
Abdullahi Khalif:
Weriyahan oo u shaqeynayey idaacada Radio Voice of Peace
waxa niman hubeysani ku dileen Puntland 5 may 2007.
- Abshir
Ali Gabra: Oo ahaa weriye u shaqeynayey
idaacadaha Jowhar iyo idaacada Quraanka kariimka ee Muqdisho
waxa 15 May 2007 uu isagoo ku dhex jira shaqadiisa
weriyenimo ku dhintay degmada Xaaji Cali ee gobolka
shabeelaha dhexe halkaasoo ay ku dagaalamayeen
maleeshiyooyin beeleedyo iska soo horjeeday.
- Ahmed
Hassan Mahad: Waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey Raadiyo
Jowhar iyo BBC. Axmed waxa 15 May 2007 uu ku dhintay degmada
Xaaji Cali halkaasoo uu ka socday dagaal u dhexeeyey
maleeshiyo beeleedyo.
- Mahad
Ahmed Elmi: Waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey
radiyo Horn Afrik iyo Capital Voice. Mahad waxa 11 Ogoosto
2007 niman hubeysani ku toogteen iridka dhismaha idaacada
Horn Afrik.
- Ali
Imaan Sharmarke:
Sharmaarke oo aanan hubin inuu saxafi ahaa balse ka mid
ahaa milkiileyaasha idaacada Horn Afrik waxa
11 Ogoosto
2007 uu ku dhintay qarax lala beegsaday baabuur uu saarnaa
isagoo markaa ka soo noqday duugta weriye Mahad Cilmi.
-
Abdulkadir
Mahad Moallim Kaskey:
Waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey idaacada Banaadir. Kaskey
waxa 24 Ogoosto 2007 niman hubeysani ku dileen gobolka Gedo
isagoo markaa ka soo noqday Xamar.
-
Bashir Nur
Gedi: Bashiir
oo ka mid ahaa milkiileyaasha Radiyo Shabeele waxa
19 Oktobar
2007 ku diley gurigiisa hortiisa niman hubeysan.
- Xassan
Mayow Xassan: Xassan oo ahaa weriye u shaqeeya radiyo
Shabeele saldhigiisuna ahaa degmada Afgooye waxa 1 Janaayo
2009 ku diley degmada Afgooye askari ka tirsan ciidamada
dowladii Soomaaliya.
- Saciid Tahliil Axmed:
Tahliil oo ahaa agaasimaha idaacada Horn Afrik waxa 4
Feberaayo 2009 toogtay 3 nin oobistoolado ku hubeysnaa
kuwaasoo rasaas kaga dhuftay madaxa. Tahliil oo markii la
dilayey laga dhex soocay weriyeyaal kale oo la socday waxa
dilkiisa loo aaneynayaa ururka Alshabaab kuwaasoo ahaa kuwii
iskugu yeeray shir jaraa,id oo uu Tahliil ka qeyb gali
rabay.
- Muqtaar Maxamed Hiraabe:
Hiraabe oo ahaa agaasimaha idaacada Shabeele waxa 7 June
2009 ay niman hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ku dileen
suuqa bakaaraha. Weerarkan waxa ku dhaawacmay kana badbaaday
weriye Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir)
Qaar Ka Mid
ah Muuqaalka Joornaaliisteyaasha
Cabdulqadir Cali Iidle
Duniyo Muxudin
Cate Payton Hansi Karauss
Anthony Macharia
Hos Maina Nasteex Daahir Dan Eldon
Mahad Elmi
Bashiir Nuur Geedi
Cabdulqadir Kaskey Martin Adler Ali Iimaan Alario
Albi Miran Krovatin
Saciid Tahiil
Xassan Mayow Muqtaar M.
Hiraabe
Fiiro gaar
ah : Dhamaan
Joornaaliisteyaashan aan kor ku soo xusay oo falalkii lagu diley
ay iskugu jireen falal burcadnimo, qabiil iyo kuwo siyaasadeed
ma jirto cid loo xiray dilkooda oo maxkamad loo saaray marka
laga reebo nin magaciisu ahaa Xaashi Cali Cumar oo Talyaanigu u
xiray dilkii Alario Albi iyo Miran Krovatin
Ilaha xogta:
International news safety institute, BBC world service, CPJ Org,
Hornafric media iyo dhacdooyinka qaar oo aan anigu goob joog u
ahaa. Wixii aan ka tagay ama aan si qalad ah u qoray sixid u
furan,
Wixii aan ka
tagay sixid u furan wixii aan qaldayna halaga raali ahaado.
Wixii talo ama tusaale ah iigu
soo dir
ugaas1@msn.com
Qalinkii
Abdulaahi M Osman.
Former US
Marine corps translator Somalia 1992/94
Sweden