Shaqaalihii
Caafimaadka Ee Lagu Diley Soomaaliya
1992 – 2009
Laga bilaabo 1991 oo
aheyd markii ay bur burtay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxa inta badan
gobolada koonfureed ee Soomaaliya ka holcayey dagaalo sokeeye oo bur
burkii ay keeneen ka sokow galaaftay nolosha kumanaan Soomaali ah oo la
diley iyagoon waxba galabsan. Si kastaba ha ahaatee kumanaankaas
shacabka ah ee ku dhintay dagaaladaas weli socda waxa ka mid ahaa
xirfadley caafimaad oo iskugu jirey dhaqaatiir iyo kal kaaliyeyaal
caafimaad oo Soomaali iyo ajnabiba leh kuwaasoo iyana lagu diley
Soomaaliya iyagoo inta badan faraha kula jiray howlihii muhiimka ahaa ee
ay bulshadooda u hayeen.
Shaqaalihii caafimaadka
ee lagu diley Soomaaliya waxa ka mid ahaa.
- Dr Maxammed Warsame Cali oo
ahaa dhaqtar si gaar ah ugu taqasusay cudurada haweenka
(gynecology) intii aanay burburin dowladii dhexe ee Soomaaliyana
ahaa agaasimihii cisbitaalka Banaadir waxa 11 nov 1992 ka
afduubay cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka SOS ee magaalada
Muqdisho maleeshiyooyin ka tirsanaa kooxdii jeneral Maxamed
Faarax Ceydiid waxana meydka Dr Warsame markii danbe laga helay
goob ku taala magaalada Muqdisho.
- Dr Mohammed Musa Sugule oo u
shaqeynayey heya, da MSF waxa 8 dec 1992 ku diley magaalada
Kismaayo maleeshiyooyin ka tirsanaa jabhadii SPM ee uu madaxda u
ahaa Axmed Cumar Jees. Dr Sugule oo ka mid ahaa dad gaarayey 126
qof oo ay habytooda qabiil dartood Kismaayo ugu laayeen
maleeshiyadii Axmed Cumar Jees intii u dhexeysay 8/10 dec 1992
waxa dilkiisa saxaafada u bandhigay sarkaalkii heystay Unicef
Kismaayo oo lagu magacaabi jirey Sean Devereux kaasoo ay
isna 2 Janaayo 1993 Kismaayo ku dileen isla maleeshiyadii Axmed
Cumar Jees. (Xasuuqii
Kismaayo fiiri: Human Rights Watch, Somalia beyond warlords The
Need for a Verdict on Human Rights Abuses 1993) ama (Alison
Mitchel U.S. Army Investigating Killings in a Somali Port
january 5 1993 The New York Times
)
- 20 Feberaayo 1993 waxa
maleeshiyooyin Soomaali ahi ay jidka isku xira Xamar iyo
Baydhabo ku dileen Valerie Place oo aheyd kalkaaliso 23 jir ah
oo u dhalatay dalka Ireland una shaqeyneysay hey ,ada Concern
- 31 Ogoosto 1994 waxa
cisbitaalka magaalada Baydhabo lagu diley 3 dhaqtar oo Hindi ah
ka dib markii nin Soomaali ah uu banbo ku qarxiyey qol ay ku
jireen.
- 22 Oktoobar 1995 waxa
magaalada Marka lagu diley Graziella Fumagalli oo aheyd haweeney
madax ka ah cisbitaal lagu daweeyo cudurka TB oo ay maamuli
jirtey hey, ada Caritas Italinana.
- 20 June 1997 waxa magaalada
Baydhabo lagu diley Dr Ricardo Marques oo ahaa dhaqtar
Boortaqiis ah oo u shaqeynayey hey ,ada MSF.
- Bishii Janaayo 1999 waxa
agagaarka degmada Garbohaarey ee gobolka Gedo lagu diley Dr
Manmohan Bhogal oo ahaa dhaqtar xoolaha daweeya oo u shaqeynayey
hey, ad Talyaani ah oo lagu magacaabo Terra Nuova. Dhaqtarkan
waxa markii la dilayey uu ku howlanaa barnaamij xoolaha looga
talaalayey cudurka Dabakaruubka ee laaya Lo,da (Rinderpest)
- 15 Septmebar 1999 waxa niman
hubeysani ay agagaarka degmada Balcad ku dhaawaceen Dr Ayuub
Sheekh Yarow oo ahaa dhaqtar u shaqeynayey hey,ada Unicef. Dr
Ayuub oo markii la dhaawacayey ku howlanaa barnaamij talaalka
caruurta ah waxa uu 16 septembar 1999 u geeriyooday dhaawacii
gaarey iyadoo lagu daweynayo cisbitaalka Keysaney.
- 28 April 2001 waxa niman
hubeysani ay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen Dr
Daahir Sheekh Axmed oo ahaa dhaqtar bartay (Radilology) oo ka
shaqeyn jirey cisbitaalka Mount Sinai ee Muqdisho.
- 4 july 2003 waxa niman
hubeysani ay iridka cisbitaalka Mount Sinai ee magaalada
Muqdisho ku dileen Dr. Husayn Muhammad Nur oo ahaa dhaqtar ku
taqasusay cudurada indhaha. Dr Huseyn oo dib ugu noqday
Soomaaliya 1990 waxa uu ka mid ahaa dhaqaatiirta faro ku tiriska
ah ee ku adkeysanayey iney umadooda u sii shaqeeyaan.
(Dr Xusseen waxa
ay walaalo ahaayeen Xassan Maxamed Nuur Shaatigaduud)
- 7 Oktoobar 2003 waxa magaalada
Boorama lagu diley Dr Annalena Tonelli oo aheyd haweeney 60 jir
ah oo maamule ka aheyd cisbitaal lagu daweeyo cudurka qaaxada
TB. Dr Tonelli waxa ay Boorama ka shaqeyneysay tan iyo 1994.
- 23 Oktoobar 2005 waxa nin
hubeysani uu magaalada Kismaayo ku diley Dr Cabdi Maxamed Aadan
oo ahaa dhaqtar reer Kismaayo ah oo ka shaqeynayey xarun
caafimaad oo ku taala Kismaayo.
- 17 Septembar 2006 waxa niman
hubeysan oo ka tirsanaa xarakada Alshabaab ay cisbitaalka SOS
Muqdisho ku dileen sister Leonella oo magaceeda dhabta ahi ahaa
Rosa Sgorbati. Haweeneydan oo dadeedu aheyd 60 jir caruurta ku
xanaaneyn jirtey cisbitaalka SOS waxa ay Soomaaliya ka
shaqeyneysay mudo 38 sano ah. Inkastoo madaxda kooxihii
maxkamadaha ee waqtigaa heystay Muqdisho ay balanqaadeen in ay
sharciga soo taagi doonaan ragii dilka fuliyey hadana taasi ma
dhicin.
- 27 June 2007 waxa niman
hubeysan ay degmada Ceelberde ku dileen Dr Maxamed Muuse Cali oo
ahaa dhaqtar u shaqeynayey hey,ad lagu magacaabo International
Medical Corps.
- 11 Oktoobar 2007 waxa niman
hubeysani ay goob caafimaad oo ku taala magaalada Muqdisho ku
dileen Dr C/llaahi Cali Xalane (Dr Cigaal).
- 28 Janaayo 2008 waxa qarax ka
dhashay miino dhulka lagu aasay magaalada Kismaayo ugu
geeriyooday Dr Victor Okumu oo ahaa dhaqtar Keenyaan ah oo u
shaqeynayey hey, ada MSF. Dr viktor oo taqasuskiisu ahaa
qaliinka haweenka dhalaya (obstetrics surgeon) waxa la
geeriyooday Damien Lehalle oo ahaa nin Faransiis ah oo
qaabilsanaa saadka iyo Maxamed Cabdi Cali Bidhaan oo ahaa
darawalkii ku waday baabuurka.
- 3 Dicembar 2009 waxa qarax
lala beegsaday xaflad qalin jebin ah oo ka dheceysay Hotel Shamo
ku dhintay 22 qof oo uu ka mid ahaa Dr. Maxamed Warsame Shahiid.
Weerarkan oo dadkii ku dhintay ay u badnaayeen arday ka baxday
jaamacada Banaadir qeybteeda caafimaadka waxa kale oo ku
dhaawacmay dhaqaatiirta kala ah. Dr. C/llaahi Xasan Maalin oo
ahaa Agaasimihii Isbitaalka SOS ee Muqdisho, Dr. Tahaliil Cabdi
Afrax, Dr. C/llaahi Sheekh Xuseen (Bushkuleeti), Dr. Maxamed
Maxamuud Bidey iyo Dr. Wehliye
Tixraac. -----
Human Rights Watch,
Somalia beyond warlords The Need for a Verdict on Human Rights Abuses
1993
------- Alison
Mitchel U.S. Army Investigating Killings in a Somali Port january 5
1993 The New York Times.
------ Médecins Sans
Frontières. Three MSF aid workers killed in serious incident in Kismayo,
Somalia, 28 January 2008.
------ Dennis King,
Chronology of Humanitarian Aid Workers killed in 1997 – 2001
reliefweb Int 2002,
Reuters Suicide bomber
kills three Somali ministers dec 3 2009
Fiiro Gaar ah: Dilka dhaqaatiirtan ma
jirto cid maxkamad loo soo taagay oo loo xukumay.
Qalinkii Abdulahi M.
Osman
Sweden
Wixii talo ah ama
tusaale iigu soo dir
Ugaas1@msn.com
Wixii aan qalday halaga raali ahaado
wixii aan ka tagayna sixid u furan waxanan maqaalka ku soo gunaanadayaa
”Arladeena
dahabaa iliilaha ka jiifee
Hadaan
aalad baartiyo aqoon lagu fulshaa jirin
Il
miyaan wax uga guri
Intaan
oday ku faaniyo kala aano gudashiyo
Qabiil
ururiheynaa asaageen na dhaafaye
Amaah
nalagu caayiyo caawimaad ajnabiyoo
Aflagaado dabotaal qaran kuma aflaxayee
Na
taageer alahayoow”
(Cabdulle Raage Taraawiil)
Ilaahow Nabad Nabad iyo
Cadaalad