Idaacadaha laamaha afsoomaaliga ee BBC-da iyo VOA, oo ay idaacadahaas gacanta ku hayaan maalgelintooda dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa lagu tilmaamaa wariyeyaasha ka hwl gala idaacadahaasi inay kooto ku haystaan suxufiyiinta ka soo jeeda beelaha Koonfurta Somalia, taas oo wariyeyaasha ka soo jeeda Somaliland dhamaantood-ba laga tirtiray marka laga reebo midhadh faro ku tiris ah mooyee, inta badana lagu tilmaamo, in labadaasi idaacadood ay kooto ku haystaan wariyeyaasha ka soo jeeda beelaha Koonfurta ee Somalia, gaar ahaan ka soo jeeda gobolada Banaadir iyo Galguduud, iyadoo marka loo kuur galo suxufiyiinta isku urursaday idaacada BBC-da iyo VOA-da aad is odhan karto ma Copy Radio Muqdishaa. Hadaynu soo bandhigno wariyaasha iyo maamulada gacanta ku haya idaacada laanta afsoomaaliga ee BBC-da ka hawl gala beelaha ay ka soo kala jeedaan iyo saamiga ay suxufiyiinta Somaliland iyo Somalia uga hawl gala idaacadaasi magacyada suxufiyiinta waxay u kala dhigan yihiin sidan:
1.Maamulaha laanta afsoomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, waxa uu ka soo jeedaa beesha Koonfurta Soomaaliya ee Galguduud,
2. Kaati Ciise Koonfurta Soomaaliya ee Galguduud
3. Maxamed Maxamuud Cade Koonfurta Soomaaliya ee Galguduud
4. Yuusuf Xasan Mursal Koonfurta Soomaaliya ee Galguduud
5. Maxamed Maxamuud Dhoore Koonfurta Soomaaliya ee Galguduud
6. Aamina Muuse Weheliye Koonfurta Soomaaliya ee Banaadir
7. C/raxmaan KorantoKoonfurta Soomaaliya ee Hiiraan,
8. Farxaan Axmed Jimcaale Koonfurta Soomaaliya ee Hiiraan
9. Ayaanle Xuseen Koonfurta Soomaaliya ee Hiiraan
10. Axmed Cabdi Nuur Koonfurta Soomaaliya ee Ceelbuur
11. Ibraahin Macalimu Koonfurta Soomaaliya ee Banaadir
12 Bash-kash Koonfurta Soomaaliya ee Dhoobley,
13 Abokor Maxamed Boston Koonfurta Soomaaliya ee Banaadir
14. C/Nuur Maxamed Sh Isaxaaq gobolada dhexe Soomaaliya ee Pundland
15. Cabdillaahi Xaaji gobolada dhexe Soomaaliya ee Pundland
16. Catoosh gobalada Ogaadeenia
17 Axmed Maxamuud Cali (Axmed Kismaayo) Koonfurta Soomaaliya eeKismaayo
18. Siciid Cali Muuse, waxa uu ka soo jeedaa Somaliland deegaanka bariga Sanaag
19. Yoonis Cali Nuur Somaliland Gobolka Hargeysa
21. Xuseen Aw Jaamac Jibriil Xagar Somaliland Burco. Axmed Siciid Gige Somaliland Gobolka Saaxil
Dhinaca kale idaacada laanta afsoomaaliga ee VOA-da ayaa waxa idaacadaa aqlabiyadoodu ay ka soo jeedaan Somalia, gaar ahaan beelaha Hawiye, iyadoo laba qof saddex qof aanay ka badnayn wariyeyaasha ka soo jeeda Somaliland.
1.C/raxmaan Yabarow, oo isagu ah maamulaha laanta afsoomaaliga ee VOA ayaa isagu ka soo jeeda beesha Koonfurta Soomaaliya ee Banaadir
2. C/llaahi Nuur Maxamed Kolombo Koonfurta Soomaaliya ee Ceelbuur
3. Ibraahin Xasan Daandurey Koonfurta Soomaaliya ee Banaadir
4. Haaruun Macruuf Koonfurta Soomaaliya ee Banaadir
5. C/raxmaan Caynte Koonfurta Soomaaliya ee Banaadir 6. Falastiin Koonfurta Soomaaliya ee Banaadir
7. Idil Maxamed Cismaan Koonfurta Soomaaliya ee Banaadir
8. C/casiis Sadaam Koonfurta Soomaaliya ee Galguduud
9. Caasha Cuud Koonfurta Soomaaliya ee Banaadir
10. Khadra Guray, gobolada dhexe Soomaaliya ee Pundland
11. Fadxiya Maxamed Cabsiiye Somaliland Gobolka Togdheer
12. Cali Xadhaadhe Somaliland bariga Sanaag
13. Sahra Ciidle Nuur gobolka Hargeysa.
Sidoo kale 22 wariye oo idaacadaasi u jooga Somalia iyo caalamka kale ayaa iyagana la sheegay inay badankoodu ka soo jeedaan Koonfurta Soomaaliya.
SMC
mustaqbal7@hotmail.com