Home » WARARKA MAANTA » Ra’iisul Wasaare Kheyrre”Gobolka Banaadir Shaqo hageeyo Kun Dhalinyaro ah”

Ra’iisul Wasaare Kheyrre”Gobolka Banaadir Shaqo hageeyo Kun Dhalinyaro ah”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre oo Xalay ka qeyb galay Xaflad lagu xusayay Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Shaqo abuur u sameyn doonto Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka.

Xasan Cali Kheyrre Wasiirka Kowaad ee Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Maanta oo Axad ah uu soo saari doono Warqad Cadeyneysa in Maamulka Gobolka Banaadir uu Shaqaaleysiiyo Dhalinyaro gaareysa 1000 oo ku nool Gobolka Banaadir,waxaana uu Amray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed in Shaqaaleysiinta Dhalinyarada loo maro Hab Caddaalad ah islamarkaana ay kala gaarto 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir Dhalinyarada ku nool.

Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer sheegtay in ay Shaqo abuur u sameyn doonto Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dalka Gudihiisa ku nool si ay uga Nabad galaan in ay Qori qaadaan ama ay Tahriibaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Wasiiradii Hirshabeelle u tagay Xalinta Xiisada ka taagan Jowhar.

Wasiirka Wasaaradad Amniga qaranka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukumada Soomaaliya oo shalay ka soo ...

Weerarrada Toorreyda Loo Adeegsada Oo Yurub Ku Batay Iyo Ruushka Oo Weerar Cusub Uu Ka Dhacay

Nin mindi sita ayaa 7 qof ku dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Surgut, ee ku ...