Home » WARARKA MAANTA » Koonfur Galbeed oo Hub Farabadan Ku Wareejisay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur”

Koonfur Galbeed oo Hub Farabadan Ku Wareejisay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur”

Sida Shaaciye.com ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay Masuuliyiinta Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Saanad milatari ku wareejiyey Maleeshiyaadka daacadda u ah sheikh mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo maalmihii dambe dagaal kula jiray ciidamo Ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in ciidamada Muqtaar Rooboow ay hubka ku wareejiyeen masuuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka Amniga Ee Maamulka Koonfur-galbeed Xasan Xuseen Maxamed ( Xasan Eelaay ) iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga Dalka iyo waliba maamulkaasi.

Waxaana hadda deegaanka Abal ku sugan Ciidamo ka tirsan Al-shabaab halkaa la sheegay in ciidamada Gurmadka ah ee maamulka Koonfur-galbeed uu u diray deegaankaasi ay 3-KM u jiraan deegaanka Abal ee dagaalku ka dhacay.

Masuuliyiin ka mid ah Maamulka Koonfurgalbeed oo uu ka mid yahay wasiirka Amniga oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday inay faah-faahinyaan hubka ay ku wareejiyeen Muqtaar Rooboow Abuu-mansuur,balse ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyey.

Wasiir ku xigeenka Amniga K/galbeed C/rasaaq Cabdi Aadan oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in ciidanka Dowladdu ay dhawr jiho ka weerareen deegaanka Abal ee G/Bakool,waxaana uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su;aasha ku saabsan hubka lagu wareejiyey Muqtaar Rooboow

Xaaladda deeganka Abal ayaa Maanta lagusoo waramayaa inay daggantahay Maanta islamarkaana ciidanka Koonfur-galbeed oo garab siinaya kuwa Muqtaar Rooboow iyo Al-shabaab oo halkaa isku horfadhiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Wasiiradii Hirshabeelle u tagay Xalinta Xiisada ka taagan Jowhar.

Wasiirka Wasaaradad Amniga qaranka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukumada Soomaaliya oo shalay ka soo ...

Weerarrada Toorreyda Loo Adeegsada Oo Yurub Ku Batay Iyo Ruushka Oo Weerar Cusub Uu Ka Dhacay

Nin mindi sita ayaa 7 qof ku dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Surgut, ee ku ...