Home » QORMOOYINKA » Dawladdee Ka Dambeysay In Ay Heshiiyaan Sheekh Shariif Iyo Xasan Sheekh Maxamuud? (Xog Daahsoon)

Dawladdee Ka Dambeysay In Ay Heshiiyaan Sheekh Shariif Iyo Xasan Sheekh Maxamuud? (Xog Daahsoon)

Todobaadkan sawirkii iyo hadal heyntii ugu waynayd waxa ay ahayd kulankii u dhaxeeyay madaxwaynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo kuwada kulmay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Kulanka labada shakhsi ayaa lagu micneeyay siyaabo kala duwan, qofba si ayuu u fasirtay, balse xogaha aan helayno waxaa kamid ah in dawladda Imaaraadka Carabta ay ka dambeyso heshiiska labada siyaasi, waxaana ay uga gon leedahay burburinta iyo majaxaabinta dawladda Farmaajo oo aan cilaaqaad fiican la lahayn Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Qatar ayaa lagu xagliyaa in ay gacan saar la leedahay dawladda cusub ee Soomaaliya dhawaan ka curatay, taasna waxa ay liddi ku tahay siyaasadda Imaaraadka ee gobolka.

Si loo fuliyo hadafka ah in la ilaaliyo ujeeddada Imaaraadka, xukuumadda Dubia ayaa u baahan in ay hesho siyaasiyiin mucaarad ku ah dawladda si ay iyaga ugu diyaariso in ay u tartamaaan doorashada soo aaddan.

Horay Fiqqi Iyo Xasan ayaa Turkiga ku kulmay, markana Xasan Iyo Shariif, Imaaraadka ayaa u baahan in uu mideeyo mucaaradka dawladda kasoo horjeeda, si ay hal ujeeddo u lahaadaan, meelna kaga soo horjeestaan arrinta Farmaajo.

Uganda oo iyana aan cilaaqaad wanaagsan kala dhexeyn Farmaajo ayaa ku faraxsan dib isku helidda mas’uuliyiintan, sidaa darteeda Farmaajo wuxuu wajihi doonaa Hal mucaarad isagoo ah Hal Dawlad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Wasiiradii Hirshabeelle u tagay Xalinta Xiisada ka taagan Jowhar.

Wasiirka Wasaaradad Amniga qaranka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukumada Soomaaliya oo shalay ka soo ...

Weerarrada Toorreyda Loo Adeegsada Oo Yurub Ku Batay Iyo Ruushka Oo Weerar Cusub Uu Ka Dhacay

Nin mindi sita ayaa 7 qof ku dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Surgut, ee ku ...