Home » WARARKA MAANTA » Maraykanka oo duqeyn ka Fuliyay Duleedka Gobalka Banaadir.

Maraykanka oo duqeyn ka Fuliyay Duleedka Gobalka Banaadir.

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Africa ayaa waxa ay sheegeen in ay fuliyeen duqeymo ka dhacay meel dhow gobolka Banaadir,islamarkaana ay ku beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM  waxa ay sheegeen duqeyntaasi in ay  dhacday Subaxnimadii Khamiista aheyd , waxaana ay beegsadeen hoggaamiye Sare oo Al-Shabaab oo ka tirsan.

“Maanta labo duqeyn ayaa ka dhacday meel u dhow gobolka Banaadir ee koonfurta Soomaaliya, waxaana wali wadnaa baaritaano ku aadan duqeyntaasi iyo Khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay AFRICOM.

Ciidamada dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay si wadi doonaan duqeynta dagaalyahanada Al-Shabaab.

Waa Markii ugu horeysay ee Taliska Maraykanka Duqeyn ka Fuliyaan Meel Duleedka ka ah Magaalada Muqdisho mana cada Sargaalka Sare ay Sheegeen in ay ku dileen Duqeyntaasi Magaciisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Wasiiradii Hirshabeelle u tagay Xalinta Xiisada ka taagan Jowhar.

Wasiirka Wasaaradad Amniga qaranka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukumada Soomaaliya oo shalay ka soo ...

Weerarrada Toorreyda Loo Adeegsada Oo Yurub Ku Batay Iyo Ruushka Oo Weerar Cusub Uu Ka Dhacay

Nin mindi sita ayaa 7 qof ku dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Surgut, ee ku ...