Home » QORMOOYINKA » Dowladda Soomaaliya oo marki Ugu horeysay bilowday In ay shuruudaha Shaqada ku darto Qabiilka

Dowladda Soomaaliya oo marki Ugu horeysay bilowday In ay shuruudaha Shaqada ku darto Qabiilka

Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Xaquuqul Insaanka Dowladda federaalka Soomaaliya oo boggeeda Internet-ka ku soo xayeysiisay jagooyin ka bannaan Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquul Insaanka ayaa sharuudaha qofka shaqa doonka ee soo codsanaya jagooyinkaas ku dartay qabiilkiisa iyo jufadiisa hoose .

Foomka ay soo saartay Wasaraadda Haweenka ee looga baahan yahay inuu buuxiyo muwaadin walba oo soo codsanaya ilaa 19 jagooyin oo bannaan ayaa dad badan oo Soomaaliyeed oo daneynaya shaqooyinkaasi islamarkaana soo kaamilay sharuudaha caadiga, ayaa la fajacay markii foomka sharuudaha lagu soo daray inay qasab tahay in aad soo sheegto qabiilka iyo jufada hoose sida aad ka arki karto website wasaaradda Haweenka ee foomka la soo dhigay. www.mwhrd.gov.so/foomka-arjiga/

Dad badan oo damacsanaa in ay jagooyinkaasi dalbadaan ayaa dib uga laabtay damacooda, kadib markii ay ku kalsoonaan waayeen nidaamka shaqo maadama ay ku xiran tahay in muwaadinka shaqada ku guuleysanayo qabiilka iyo jufo hoosaadka uu ka dhashay.

Tani ayaa noqoneeysa markii ugu horreeysay ee dowladda Soomaaliyeed si rasmi ah sharuud uga dhigto in muwaadin shaqo ka doonaya dowladda uu codsigiisa ku soo daro qabiilka iyo jufo hoosaadka uu ka dhashay.

Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 dii meel-mariyey sharciga Guddiga Madaxa Bannaan, iyadoo shaqooyinka Guddiga ay ka mid tahay Xukumida shaqsiyaadka geysta gabood-fallada ka dhanka ah xuquuqul Aadanaha Soomaaliya iyo sidoo kale difaacida, daba-galka, tixgelinta iyo horumarinta xaquuqul aadana Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Wasiiradii Hirshabeelle u tagay Xalinta Xiisada ka taagan Jowhar.

Wasiirka Wasaaradad Amniga qaranka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukumada Soomaaliya oo shalay ka soo ...

Weerarrada Toorreyda Loo Adeegsada Oo Yurub Ku Batay Iyo Ruushka Oo Weerar Cusub Uu Ka Dhacay

Nin mindi sita ayaa 7 qof ku dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Surgut, ee ku ...