Home » WARARKA MAANTA » Dagaal Khasaaro Geestay oo ka Dhacay Gobalka Hiiraan Iyo Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay ?

Dagaal Khasaaro Geestay oo ka Dhacay Gobalka Hiiraan Iyo Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay ?

Ciidamo Al-shabaab ah ayaa xalay  jidka u galay gaadiid iyo ciidan ay laheyd dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku socday Far Libaax, gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare.

Jamaal Xaaji, guddoomiyaha degmada Far Libaax oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in ciidamo Al-shabaab ahaa ay dhexda u galeen kuwoo dowladda ah oo Far Libaax ku socday, waxaa uu intaa raaciyay in goobta uu ka ag dhawaa saldhig ay leeyihiin militariga Soomaaliya.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay waxaa uu leeyahay, Al-shabaab waxaa ka dhintay 4 askari, 3na dhaawac ayey ku qaateen halka dhanka dowladda laga dilay 2 askari.

Al-shabaab waxaa ay ka talisaa deegaanno badan oo Hiiraan ka tirsan, gaar ahaan meelaha ka fog magaalooyinka waaweyn, waxaa ay sidoo kale weeraro ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Wasiiradii Hirshabeelle u tagay Xalinta Xiisada ka taagan Jowhar.

Wasiirka Wasaaradad Amniga qaranka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukumada Soomaaliya oo shalay ka soo ...

Weerarrada Toorreyda Loo Adeegsada Oo Yurub Ku Batay Iyo Ruushka Oo Weerar Cusub Uu Ka Dhacay

Nin mindi sita ayaa 7 qof ku dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Surgut, ee ku ...