Home » WARARKA MAANTA » War Deg Deg ah:- Wariye Caan ka ah Somalia oo Saakay ku Geeriyooday India

War Deg Deg ah:- Wariye Caan ka ah Somalia oo Saakay ku Geeriyooday India

Alle ha u Naxariisstee waxaa Wadanka Hindiya ku Geeriyooday Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland, Axmed Maxamed Cali (Kismaayo), oo sidoo kale Xilli ka mid ahaa Shaqaalaha Laanta Afka Soomaaliga Ee BBC.

Axmed Kismaayo ayaa la sheegay In Saakay uu ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Wadanka Hindiya oo uu ku jiray.

Axmed Kismaayo ayaa bilihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Nayrobi, iyadoo markii dambe loo qaaday dalka Hindia.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa Xaqiijiyay Geerida Axmed Kismaayo,waxaana ay Tacsi u direen Ehelka iyo Qaraabadii uu ka dhintay Wariye Axmed Kismaayo.

Axmed Kismaayo ayaa soo noqday Guddoomiyihii Hore ee Guddiga Doorashada Dadban ee Puntland,inkastoo uu Xilkaas iska Casilay intii ay socotay Doorashadii lagu soo doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Puntland laga soo doortay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Wasiiradii Hirshabeelle u tagay Xalinta Xiisada ka taagan Jowhar.

Wasiirka Wasaaradad Amniga qaranka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukumada Soomaaliya oo shalay ka soo ...

Weerarrada Toorreyda Loo Adeegsada Oo Yurub Ku Batay Iyo Ruushka Oo Weerar Cusub Uu Ka Dhacay

Nin mindi sita ayaa 7 qof ku dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Surgut, ee ku ...