Home » MUUQAALLADA » FIIRSO Goos Gooska Iyo Natiijada Kulankii Manchester United Iyo Real Madrid

FIIRSO Goos Gooska Iyo Natiijada Kulankii Manchester United Iyo Real Madrid

Kooxaha Ugu lacagta badan adduunka ee Manchester United Iyo Real Madrid ayaa xalay isku qabtay kulanka caanka ah ee Super Cup-ka Yurub, maadaama mid kasta oo kamid ah labada kooxood uu kusoo guuleeystay tartanka Champions League iyo kan Europe League.

Ronaldo ayaa kahor yimid kooxdiisii hore, inkastoo uu soo galay 10-kii daqiiqo ee ugu dambeysay haddana wax saameyn  ah kuma yeelan kulankaas.

Saxiixyada cusub ee kooxda Red Devils ayaa kulankaas lagu tijaabiyay, Lindlof, Matic iyo Lukaku ayaa dhammaan helay safka hore ee ciyaarta, taas oo micnaheedu uu ahaa in xilli hore uu tijaabada ku bilaabay Jose xiddigihii Xagaaga yimid.

Si kastaba ha ahaatee ciyaarta ayaa ku bilaabatay dar dar Manchester dhankeeda ah, balse daqiiqaddii 24-aad waxaa ugu shubay qanaaska reer Brazil ee Casamiro, oo kubbad caawinteeda uu lahaa Dani Carvajal uu lugta ugu dhammeystiray.

Wakhtiga ayaa socda, Man Utd awoodda oo idil waa laga marooqsaday, Real MAdrid ayaa isku soo laabashada xilli hore ee qaybta labaad heshay goolka natiijada sii dheereeyay, waxaana dhaliyay kubbad burburiyaha Isco la yiraahdo.

2-0 markii ay natiijada gaartay, Jose Mourinho ayaa go’aansaday in uu garoonka keeno tima badnaha caanka ah ee Marroun Falliani kaas oo ciyaarta wax kabaddalay.

Nimanja Matic ayaa kubbad uu kasoo laaday banaanka waxaa iska soo tufay goolhaye Navas, balse Lukaku oo aan meesha ka ag fogeyn ayaa kubbadda gool u baddalay iyadoo shabaqa uu maran yahay.

Ugu Dambeyn Manchester waxa ay heshay fursado, gaar ahaan fursad uu qasaariyay Rashford oo baddal kusoo galay, iyo fursado kale, balse Real MAdrid ayaa ku guuleeysatay tartanka caanka ah ee Super Cup=ka Yurub.

Manchester ayaa isku diyaarineysa furitaanka horyaalka iyo kulanka Axadda, kahor se waxa ay ku noqon doonaa UK, halka Madrid-na ay isku diyaarineyso Super Cope de Spain oo ay Barcelona la ciyaari doonto dhawaan.

HAddaba Hoos ka daawo Goos Gooska Iyo Goolasha kulankii Xalay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Wasiiradii Hirshabeelle u tagay Xalinta Xiisada ka taagan Jowhar.

Wasiirka Wasaaradad Amniga qaranka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukumada Soomaaliya oo shalay ka soo ...

Weerarrada Toorreyda Loo Adeegsada Oo Yurub Ku Batay Iyo Ruushka Oo Weerar Cusub Uu Ka Dhacay

Nin mindi sita ayaa 7 qof ku dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Surgut, ee ku ...