Home » WARARKA MAANTA » Barakacayaal Garasbaaley soo Gaaray Iyo War’ aan Lagu Farxin oo laga soo sheegayo ?

Barakacayaal Garasbaaley soo Gaaray Iyo War’ aan Lagu Farxin oo laga soo sheegayo ?

Qoysaskani oo intooda badan ka soo barakacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay soo gaareen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Barakacayaasha oo tiradoodu ay gaareyso Boqolaal Qoys ayaa waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin isbiirsaday oo ay ka mid yihiin Gaajo Haraad iyo  hooy la’aan.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada maamulka deegaanka Garasbaaley Cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa eedeyn kulul waxa uu u jeediyay Hay,adaha Samafalka, isagoona hoosta ka xariiqay in Raashinka ay ugu talagalaan dadka Danta yar ay kusoo beegaan, xilliyo aan munaasab ahayn .

Qaar kamid ah qoysaska soo gaaray deegaanka Garasbaaley ayaa waxa ay faafaahin ka bixiyeen dhibaatooyinka heysta, oo ay sheegeen in xaalado dhinaca nolosha ah ay uga soo tageen deegaanadii ay daganaayeen, waxaana ay dalbadeen in loo soo gurmado.

Deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Qoysas horay uga soo barakacay deegaanadii ay ku noolaayeen ee Gobolada dalka, kuwaasi oo hada xaalado dhanka nolosha ah ay ku heestaan deegaankaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Wasiiradii Hirshabeelle u tagay Xalinta Xiisada ka taagan Jowhar.

Wasiirka Wasaaradad Amniga qaranka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukumada Soomaaliya oo shalay ka soo ...

Weerarrada Toorreyda Loo Adeegsada Oo Yurub Ku Batay Iyo Ruushka Oo Weerar Cusub Uu Ka Dhacay

Nin mindi sita ayaa 7 qof ku dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Surgut, ee ku ...