Home » QORMOOYINKA » Muwaaddin Isaga Oo Codeynaya Geeriyooday Iyo Sheeko Naxdin Badan Oo Kusoo Korodhay Doorashada Dalka Kenya

Muwaaddin Isaga Oo Codeynaya Geeriyooday Iyo Sheeko Naxdin Badan Oo Kusoo Korodhay Doorashada Dalka Kenya

Mid kamid codeyayaasha go’aaminayay doorashada dalka Kenya ayaa ku geeriyooday isagoo codeynaya, sida warbaahinta gudaha gaar ahaan The Nation warsidaha la yiraahdo.

Dugsiga Hoose dhexe sare ee Lela sanduuqii yaalay ayuu ku codeynayay, waana Kisumu County gobolka la yiraahdo oo kamid ahaa gobolada sida caadiga ah looga codeynayay.

Patrick Atindo ayaa loo qaaday Ahero Sub-County Hospital ee isla gobolkaas, xilli hore ee Talaadada, kaddib markii uu dhulka ku dhacay, wadnahana uu istaagay.

Ninka geeriyooday wiilkiisa oo lagu magacaabo Silvanus Ouma, ayaa u sheegay Nation.co.ke in aabbihiisa uu xilli hore gaar ahan aroortii 5-ta aroornimo, si uu kaga qayb qaato doorashada dalka. balse wuxuu sheegay in uu dhulka ku dhacay, kaddibna isbitaalka markii la geeyay uu geeriyooday,

Dadka Kenyaan-ka ayaa codkooda maanta ku go’aaminaya madaxwaynaha xiga ee shanta sanno ee soo aaddan maamuli doona dalka, sidaa darteeda warbixino kala duwan ayaa laga soo calaamadeynayaa doorashada iyo waxa la xiriira.

Waan idin soo gudbin doonaa wax walba oo kusoo kordha doorashada dalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Wasiiradii Hirshabeelle u tagay Xalinta Xiisada ka taagan Jowhar.

Wasiirka Wasaaradad Amniga qaranka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukumada Soomaaliya oo shalay ka soo ...

Weerarrada Toorreyda Loo Adeegsada Oo Yurub Ku Batay Iyo Ruushka Oo Weerar Cusub Uu Ka Dhacay

Nin mindi sita ayaa 7 qof ku dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Surgut, ee ku ...