Home » WARARKA MAANTA » 13 qof oo Soomaali ah oo lagu dilay dalka Itoobiya Iyo Cabsi ka Taagan Halkaas?

13 qof oo Soomaali ah oo lagu dilay dalka Itoobiya Iyo Cabsi ka Taagan Halkaas?

Ugu yaraan 13 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar Ciidamo ka tirsan dowlad degaanka Oramada ee dalka Itoobiya ay ku qaadeen degaanka Hawadaay oo ka tirsan dhulka Oromada Itoobiya.

Dadka Soomaalida ah ee halkaasi lagu dilay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad Ganacsato ah oo degaankaasi kunoolaa sanadyadii lasoo dhaafay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dilkaasi ay geysteen ciidamada Oramada ,islamarkaana ay ka xanaaqsanaayeen dad Oromo ah oo horay loogu dilay dhulka Soomaalida  ee ku yaalla dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyay  dilka 13 qof ee Soomaalida ah.

Sanadyadii lasoo dhaafay ayaa waxa jiray dagaallo u dhaxeeyay dowlad degaanada Soomaalida iyo Oramada ee dalka Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ...

4 sano kadib Ururka Al Shabaab oo shaaciyay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate?

21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday ...